News

Waxaa Xarunta dhexe ee Bankiga Puntland soo booqday wafdi sare oo ka socda Shuraako Capital

Kulankan ayaa looga hadlay dhiirrigelinta koboca dhaqaalaha iyo adeegyada maaliyadeed ee dalka – Shuraako Capital, ayaana ah Shirkad gaar ah oo bixisa maalgelin waafaqsan shareecada Islaamka iyo horumarinta ganacsiyada yaryar iyo kuwa dhexe (SMEs).

‎Waxa sidoo kale laga wada hadlay sidii si Guud looga wada shaqayn lahaa sidii bulshadu u heli lahayd adeeg maaliyadeed oo loo dhanyahy iyo sidii Bangiga Dowladda uu ugu lug yeelan karo kobcinta Nidaamka Maaliyadda iyo doorkisa kaga aadan sidi ay u heli lahayen Hay’adaha Maaliyaddu nidaam sharci iyo maamul oo dhiirrigeliya maalgashiga.

‎Kulanka waxaa goob joog ahaa Gudoomiyaha Bangiga Puntland Cabdirasaaq Warsame Seeraar, Agasimaha Guud ee Bangiga Dowladda Puntland Khadar Ugaas Cabdi, Jon Bellish Maareyaha Guud ee Shuraako,Mahad Maxamed Axmed Madaxwayne Ku-xigeenka Geeska Afrika ee Shirkadda iyo Agaasime kuxigenka Bangiga Yusuf Maxamed Faarax .

Share the Post: