Shirweynaha 1aad ee Bangiyada iyo Maaliyadda Puntland oo socday 16-17 June 2025 ayaa si rasmi ah loogu soo xiray hotel Martisoor, Garoowe. Waxaa soo xiray Agaasimaha Bangiga Dowladda Puntland Mudane Khadar Ugaas Abdi.
Shirka oo socday labo maalmood, cinwaankiisuna ahaa “Ka mid noqoshada adeegyada maaliyadeed ee Puntland”, waxaa lagu soo bandhigay cilmi-baaris, dood-wadaagyo iyo soojeedino khuseeya kobaca dhaqaalaha.
Waxaa si gaar ah diiradda loo saaray maalgelinta shisheeye iyo sidii loo xoojin lahaa fursadaha dhaqaale ee Puntland, gaar ahaan waaxyaha: beeraha, kalluumeysiga, xoolaha nool, tamarta iyo macdanta.
Shirka wuxuu ahaa madal muhiim ah oo lagu lafaguray horumarinta nidaamka maaliyadeed ee Puntland.