Waxaa Xarunta dhexe ee Bankiga Dowladda Puntland ka dhacay shir muhiim ah oo uu dhexeyay Bankiga Dowladda iyo Bankiyada gaarka loo leeyahay ee ka hawl gala deegaanada Puntland.
Shirkan ayaa si gaar ah diiradda loogu saarayay dhamaystirka hindisaha dhismaha Ururka Bankiyada Puntland (Puntland Bankers Association) , Ururkan ayaana noqon doona hay’ad matasha dhammaan Bankiyada ganacsi ee Puntland isla markaana kor u qaadaysa iskaashiga iyo horumarka dhanka maaliyadda.
Waxaa kulanku intuu socday la mudeeyay waqtiga doorashada Gudoomiyaha iyo Gudoomiye ku-xigeenka dallada Bangiyada Puntland oo la filayo In ay dhacdo 26,Oct,2025.
Waxaa Kulanka goob joog ka ahaa Gudoomiyaha Bankiga Cabdirisaaq Warsame Seeraar , Agasimaha Guud ee Bankiga Khadar Ugaas Cabdi , Agasime ku-xigeenka Bangiga Yusuf Maxamed Faarax,Agaasime Waaxedka kormeerka iyo shatisiinta Bangiga Dowladda iyo Masuuliyiin ka socday Bankiyada gaarka loo leeyahay ee ka hawl gala Puntland.





