Kormeerkan ayaa qayb ka ahaa dedaallada Guddiga ee ku aaddan hubinta isla xisaabtanka, hufnaanta maaliyadeed iyo horumarinta nidaamka dhaqaalaha ee dowladda Puntland.
Madaxda Bankiga ayaana guddiga uga warbixiyey shaqooyinka Bankiga, qorshayaasha u degsan, waxyaabaha u qaab-soomay iyo weliba caqabadaha jira.
Geba gebadii Guddiga ayaa bogaadiyey shaqada socota, waxayna mas’uuliyiinta Bankiga kula dardaarmeen in la dar-dargeliyo Waajibaadka Dastuuriga ah ee hay’addu u xilsaaran tahay.
Waxaa kulanka goob joog ka ahaa Gudoomiyaha Bankiga Cabdirisaaq warsame seeraar,Gudoomiyaha Guddiga dhaqaalaha iyo xisaabaadka G.
Baarlamaanka , Agaasimaha Guud ee Bankiga Dowladda Puntland Mudane Dr.Khadar Ugaas Cabdi , Agaasime ku xigeenka Bangiga Mudane Yuusuf Maxamed Faarax iyo xubnaha guddiga dh.& xis.barlamaanka .


