Hindise Xeereedka Hay’adaha Maaliyadda oo ah mid loogu talagalay Hay’adaha Maaliyadda ee gaarka loo leeyahay ee uu Bangiga Dowladdu kor joogteeyo ayay Xildhibaannada Falanqayn iyo dood kadib waxay ku meel mariyeen cod aqlabiyad leh.
Xeerkan ayaana ah mid lagu tayaynayo laguna ilaalinayo Nidaamka dhaqaalaha iyo maaliyadda ee Puntland.
Gudoomiyaha Golaha wakiilada Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid Ayaa Maamulka Bangiga ku bogadiyay hindisaha xeerkan isaga kula dardarmay in ay dhaqan geliyaan Marka uu kusoo baxo Faafinta Rasmiga ah.

