Bankiga D. Puntland oo kulan looga hadlayay dhamaystirka Dhismaha Dallada Ururka Bankiyada Puntland la qaatay Madaxda Bankiyada Gaarka loo leeyahay

Waxaa Xarunta dhexe ee Bankiga Dowladda Puntland ka dhacay shir muhiim ah oo uu dhexeyay Bankiga Dowladda iyo Bankiyada gaarka loo leeyahay ee ka hawl gala deegaanada Puntland. Shirkan ayaa si gaar ah diiradda loogu saarayay dhamaystirka hindisaha dhismaha Ururka Bankiyada Puntland (Puntland Bankers Association) , Ururkan ayaana noqon doona hay’ad matasha dhammaan Bankiyada ganacsi […]
Waxaa Xarunta dhexe ee Bankiga Puntland soo booqday wafdi sare oo ka socda Shuraako Capital

Kulankan ayaa looga hadlay dhiirrigelinta koboca dhaqaalaha iyo adeegyada maaliyadeed ee dalka – Shuraako Capital, ayaana ah Shirkad gaar ah oo bixisa maalgelin waafaqsan shareecada Islaamka iyo horumarinta ganacsiyada yaryar iyo kuwa dhexe (SMEs). Waxa sidoo kale laga wada hadlay sidii si Guud looga wada shaqayn lahaa sidii bulshadu u heli lahayd adeeg maaliyadeed […]
Bankiga D.Puntland ayaa qabtay Munaasabad Sanadle ah oo ay Isugu yimaadeen Madaxda Sare iyo Shaqaalaha si loo xoojiyo wada shaqaynta Hay’adda

Intii lagu jiray xafladda, waxaa lagu abaalmariyay shaqaalihii sida gaarka ah uga muuqday qaban-qaabadii iyo guusha Shirkii Bangiyada iyo Maaliyadda Puntland ee dhawaan Bangigu qabtay , iyagoo la guddoonsiiyay shahado-sharafyo. Munaasabadda oo si wanaagsan loo agaasimay ayaa lagu qabtay Hotelka Martisoor , waxaana kasoo qayb galay Guddoomiyaha Bangiga, Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland,Agaasimaha Guud ee Bangiga, […]
Shirweynaha 1aad ee Bangiyada iyo Maaliyadda Puntland

Shirweynaha 1aad ee Bangiyada iyo Maaliyadda Puntland oo socday 16-17 June 2025 ayaa si rasmi ah loogu soo xiray hotel Martisoor, Garoowe. Waxaa soo xiray Agaasimaha Bangiga Dowladda Puntland Mudane Khadar Ugaas Abdi.
Heshiis dhexmaray Bankiga Dowladda Puntland (SBP) iyo Xarunta Cilmi-baarista & Horumarinta Puntland (PDRC).

Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan ku dhawaaqno iskaashi firfircoon oo dhex maray Bankiga Dowladda Puntland (SBP) iyo Xarunta Cilmi-baarista & Horumarinta Puntland (PDRC).
Golaha Wakiilada Dowladda Puntland ayaa ansixiyay hindise xeereedka Hay’adaha Maaliyadda Puntland

Hindise Xeereedka Hay’adaha Maaliyadda oo ah mid loogu talagalay Hay’adaha Maaliyadda ee gaarka loo leeyahay ee uu Bangiga Dowladdu kor joogteeyo ayay Xildhibaannada Falanqayn iyo dood kadib waxay ku meel mariyeen cod aqlabiyad leh. Xeerkan ayaana ah mid lagu tayaynayo laguna ilaalinayo Nidaamka dhaqaalaha iyo maaliyadda ee Puntland. Gudoomiyaha Golaha wakiilada Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid […]
Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Golaha Wakiilada D. Puntland ayaa kormeer shaqo ku yimi Xarunta Dhexe ee BDP

Kormeerkan ayaa qayb ka ahaa dedaallada Guddiga ee ku aaddan hubinta isla xisaabtanka, hufnaanta maaliyadeed iyo horumarinta nidaamka dhaqaalaha ee dowladda Puntland.
Agaasimaha Guud ee Bankiga D. Puntland Khadar Ugaas Cabdi ayaa kormeer Shaqo ku tagay Laanta Qardho ee Bankiga

Qardho: Agaasimaha Guud ee Bangiga Dowladda Puntland, Khadar Ugaas Cabdi, ayaa safar shaqo ku tegey magaalada Qardho, waxaa uuna kormeeray Dhismaha Cusub ee Laanta Qardho ee Bangiga oo meel gabo gabo ah maraya. Intii uu ku sugnaa xarunta bangiga, Agaasimuhu wuxuu warbixin ka dhagaystay mas’uuliyiin ka socday shirkadda Al-Baashid, oo gacanta ku haysa dhismaha bangiga,isaga […]