Intii lagu jiray xafladda, waxaa lagu abaalmariyay shaqaalihii sida gaarka ah uga muuqday qaban-qaabadii iyo guusha Shirkii Bangiyada iyo Maaliyadda Puntland ee dhawaan Bangigu qabtay , iyagoo la guddoonsiiyay shahado-sharafyo.
Munaasabadda oo si wanaagsan loo agaasimay ayaa lagu qabtay Hotelka Martisoor , waxaana kasoo qayb galay Guddoomiyaha Bangiga, Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland,Agaasimaha Guud ee Bangiga, Agaasime Ku-xigeenka Bangiga, Maamulaha Laanta Garoowe, iyo dhamaan shaqaalaha Xarunta dhexe ee Bangiga.





