Qardho: Agaasimaha Guud ee Bangiga Dowladda Puntland, Khadar Ugaas Cabdi, ayaa safar shaqo ku tegey magaalada Qardho, waxaa uuna kormeeray Dhismaha Cusub ee Laanta Qardho ee Bangiga oo meel gabo gabo ah maraya.
Intii uu ku sugnaa xarunta bangiga, Agaasimuhu wuxuu warbixin ka dhagaystay mas’uuliyiin ka socday shirkadda Al-Baashid, oo gacanta ku haysa dhismaha bangiga,isaga oo sheegay shaqada bangigu In ay ku socoto sidii loo qorsheeyay islamarkaana ay shaqadu marayso meel gabo gabo ah.




Dhamaad
XAFISKA WARFAFINTA IYO WACYIGELINTA BANGIGA DOWLADDA PUNTLAND