Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan ku dhawaaqno iskaashi firfircoon oo dhex maray Bankiga Dowladda Puntland (SBP) iyo Xarunta Cilmi-baarista & Horumarinta Puntland (PDRC).
Hindisahan waxa uu ujeedkiisu yahay in lagu xoojiyo Ganacsiyada yaryar (SMEs) kuwaas o ay hoggaamiyaan dhalinyarada iyo haweenka, iyada oo la xoojinayo ka-qaybgalka maaliyadeed, kobcinta xirfadaha, iyo hagitaan ganacsi.
Barnaamijkan ayaana bixinaya deymo ribo la’aan ah, tababaro dhameystiran, iyo taageero joogto ah, taas oo:
- Abuuri doonta fursado shaqo oo sharaf leh oo ay ka faa’iideystaan dhalinyarada iyo haweenka
- Dhiirrigelin doonta dhaqanka ganacsiga iyo kaydka maaliyadeed
- Muujin doonta ganacsiyo guuleystay si ay dhiirrigelin ugu noqdaan kuwa kale
- Xoojin doonta dhaqaalaha Puntland iyada oo loo marayo hal-abuur iyo hab-dhaqan ganacsi oo wanaagsan
Bankiga Dowladda Puntland waxa ka go’an horumarinta dhaqaalaha iyo ballaadhinta ka-qaybgalka maaliyadeed ee guud ahaan Puntland, isaga oo xoogga saaraya awood-siinta bulshada maxalliga ah.
Iskaashigan lala galay Xarunta PDRC-na waa tallaabo muhiim ah oo ka mid ah aragtida Bankiga ee lagu dhisayo Puntland oo noqota xarun fursado dhaqaale iyo hal-abuur leh.
Maalgashiga lagu sameynayo dhalinyarada, haweenka, iyo ganacsiyada yaryar waxa uu gogol-xaar u noqonayaa mustaqbal barwaaqo ahxasilloon oo Puntland oo dhan ay ka faa’iidaysato.
Hindisahan waxa uu salka ku hayaa guusha laga gaaray Mashruuca Shaqo abuurka kaas oo horey fursado nololeed oo waara u abuuray dhalinyarada shaqo la’aanta ah ee Soomaaliya.
Wadajir, waxaan horey ugu sii soconeynaa dhisidda mustaqbal ifaya oo loogu talagalay dhalinyarada, haweenka, iyo bulshada Puntland.
Is-afgaradkan waxaa maanta qalinka ku wada duugay Agaasimaha Bankiga Puntland Khadar Ugaas Abdi iyo Agaasimaha Hay’adda PDRC Ali Farah Ali .